Gogoldhigga xanaadeena waxaa ka mid ah carruurta ammaanka, horumaringa luqadaha ay ku hadlaan iyo is-dhexgalka bulshada aan ku noolnahay. Xanaanadu waxa ay ku taalaa degmada Järva u dhow cagaaryo badan ee beeraha, kaymaha iyo dabeecadda oo aan ku qaataan waqti badan halkaas. Waxaan carruurta siinaa fursado ay waayo-aragnimo iyo waxbarasho dheer ku helaan halkaas oo ay aqoon korodhsiga iyo rabitaanka wax barasha aan ku barbaarino.
Xanaanadeena waxaa kow u ah kobcinta waxbarasha guud iyo horumarinta luqadda hooyo iyo swiidishka. Waxbarashada waa mid maalintii oo dhan ee waqtiga ay ilmaha joogaan la wado. Waxaan samaynaa la socosho ku saabsan ilmaha waxbarashadooda iyo horumarintooda.
Fursado wanaagsan ayaan siinaa ilmaha sida qalab wanaagsan oo ciyaar oo ku salaysan kobcinta waxbarashada. Macallimiintu waxay u abuuraan fursado koritaanka carruurta kobcinayo oo. Waxan siina carruurta cunto si fiican loo qorsheeyay oo nafaqo leh.
Saacadahaan furno
Caadi ahaan waxaan furanahay maalmaha shaqadda isniin-jimco 7:00-17:30 hadii waalidka u baahdo waxaan furnaa 06: 30-18: madaama saacadaha dugsiga ay ku salaysanyihiin baahida waalidiinta.
Dalbasha booska
Hadii aad rabto in ilmahaaga ay helaan boos xanaano waxaa iska diiwaangelin kartaa qayta daryeelka caruurta ee stockholm.se
ama xafiisyada bulshada ee kuugu dhow iska diwaan gali. Hadii aadan haysan bank-id ama aad haysato aqoonsidda qarsoon, waxaa buuxin kartaa foomkaan.
Nidaamka safka
Nidaamka aan u qorshayno ilmaha safka ku jiro waa sidaan hoose:
1. Caruurta leh baahida gaarka ah sida uu sharciga iswiidhiska ee waxbarashad u dejinayo cutubka 8, Qaybta 9.
2. Carruurta walaalaha ah ee isku guri ku nool oo ka diwaangashan safka.
3. Carruurta waqtiga ugu dheer ee sugitaanka saf ahaan ku jiray. Haddii dhowr carruur leeyihiin waqti isku mid ah, safka kan taariikhda dhalashada ee ugu horeeya baa la hormarin.
Safka ilmaha waxaa la galin karaa ugu horreeya ilmaha markuu gaaro lix bilood. Haddii aad ka hor lix bilood imahaaga safka galiso, diwaangalintu waxay bilaaban maalinta ilmaha ay lix bilood u buuxsanto.
Agaasime
Khalid Abdirahman Egal
08-36 82 10
Maamulaha xanaanada Rinkeby
Aicha Ourjdal
070-729 00 71
Maamulaha xanaada Tensta, Husby & Kvarnby
Fardowsa Isse
0767407644
Maamulaha shaqaalaha
Zahra Daoudi
08-36 60 75
070-480 35 45
La taliyaha waxbarasha
Olga Johannson
08-751 98 55
Hülya Mert
08-36 60 75
Horumarinta tayadda
Mahdi H. Farah
mohamed.farah@ummaforskolor.se
Horumarinta sinnaanta
Aisha Lundgren
aisha.lundgren@ummaforskolor.se